Intii uu socday Dagaalkii Sokeeye, waxa ugu weyn ee dadka noloshooda saameeyey maahayn xabadda oo keliya.
Maalmihii dagaalladu ka bilawdeen Muqdisho waxa ugu weyn ee dadka noloshooda saameeyey maahayn xabadda keliya. Dabcan wax geerida ka daran ma jirin. Laakiin dadka qaarkood geeridoodu kama imanayn xabbad keliya. Waxaa jirey dad badan oo subixii u kallahi jirey inay soo xammaashaan, dhisme ka soo shaqeeyaan ama u adeegaan dad u baahan ciidan. Waxa iyaga iyo ilmahoodu cunayaan wuxuu ka iman jirey shaqadaas maalin laha ah. Dadkaas saddex maalmood gudahood ma haysan wax ay carruurta siistaan waayo waxaa istaagay shaqooyinkii noocaas ahaa. Markaad ilmihii gaajo kaga timi, oo soo noqoshadaada ay sugayaan, oo dadka dariiqa kula maraya aanay waxba kugu taageeri karin oo ay iyagu tooda u yaabban yihiin, waalid xanuunkaas dareemay keliya ayaa ka sheekayn kara.
Dadka noocaas ah qayb kama ahayn siyaasadda. Qayb kama ahayn dagaalka. Ma aqoon waqtina uma hayn inay la socdaan dadka is haysta iyo sababta ay isu haystaan. Badankoodu ma lahayn asxaab xog ogaal hoose ah oo ay kala sheekaystaan saadaasha dagaalka iyo wixii tallaabo ah ee ay qaadi karaan. Cunto haddaanay awoodin, dabcan wax ay ku qaxaan oo xabadda kaga fogaadaan ma haysan. Waxay ku hoos noolaayeen magaalada iyo baahiyaha ka jira oo ay shaqo ka dhex doonan jireen. Waxa ay soo shaqaystaan maahayn wax ay wax ka kaydsan karaan. Dadkii kuwaas ka nolosha fiicnaa oo waxay cuni lahaayeen iyo meeshay seexan lahaayeen aan ka welweli jirin ayaa dagaallamay. Waxay ku dagaallameen damac sare iyo kursi xukun. Kursi-doonii kuwii waxhaystey ayaa dad badan oo aan wax haysan ku waayeen cuntadii ay cuni lahaayeen iyaga iyo carruurtoodu. Kuwii wax haystey waxay kursiga ku dooneen inay muujiyaan awooddooda iyo tan reerkoda. Dadka waddanka isku hayey oo dagaallada kala hoggaaminayey intooda badan waxay ahaayeen dad waqti saaxiibbo ahaa ama soo wada shaqeeyey.
Maalmahaas waxaa badnaa muuqaalka dad da’ ah oo aan socon karin, dad curyaan ah oo sariir ku weynaaday oo aan weligood laga soo saarin gurigooda oo lagala soo cararay xabbadaha oo loo qixinayey degaanno ka mid ah Muqdisho oo aamin ahaa. Dadkaas waxaa lagu qaadayey gaari gacan (wheelbarrow). Dhulka lagu socodsiinayey gaari gacankaas ma ahayn mid loo diyaariyey oo ciid iyo dhagax ayaa ku badnaa. Waxaa lagu khasbanaa in dhawr qof isu beddelaan si culayska qofka iyo ciidda la dhex marayo dhibkooda la isaga nasiyo.
Carruurta gaajaysan, dadka waaweyn ama xanuunsan ee silica la marinayo, welwelka hooyooyinka oo ilmihii guriga kabaxaba in xabbadi kaga dhacdo la joogi la’aa maahayn wax u muuqda dadkii isku hayey dagaallada oo waxay waxaas oo dhan ku illaaween inay damacoodii gaaraan oo iyagu kala adkaadaan.
Maalimihii ugu horreeyey waxaa bilaabatay toogannimo (bililiqo) ka dhalatay hubkii oo faraha ka baxay iyo awooddii dawladda oo la waayey. Dadku waxay guryahooda ku ilaashanayeen qoryo. Kuwa qaxaya waxaa khasab ahayd inay siii kaxaystaan ciidan ka horreeya oo wixii ay ka baqaan ka celiya. Waxaa la soo sheegayey waddooyinka qaar in gawaarida qaxaysa ay xabbada iska furayeen oo is lahaayeen yaan la idiinka hor marin xabbadda sidaasna ku laynayey dad waddada maraya. Markii uu magaalada ka baxay Madaxweynihii waxaa maalmo la helay deggeenaan. Maalmahaas ayey ii sheegeen jameecadii ku tukan jirtey masjidka Bangaariyada ee u dhaw garoonka diyaaradaha, inay u dhaqaaqeen inay aasaan dad badan oo meelo cidla ah ku dhintay. Waxay ii sheegeen inay laga soo bilaabo lambar afar (KM4) ilaa iyo taagga wersheddii firaashyada ee Kalkaal ku aaseen dad ilaa toban qof gaaraya. Waxaa ku jirey, siday ii sheegeen, nin oday ah oo jirjirka (dhabarka) u dhacay, oo cimaamad xirnaa, oo gacan ku haystey kitaab quraan ah gacanta kalena tusbax oo sidaas ku naf waayey. Waxay kaloo ii sheegeen inay aaseen nin lacag aad u fara badan jeebabka ay uga buuxdey oo lacagtii isla bedeshay dheecaankii ka baxay. Imaamkii masjidka oo hawshan iiga sheekeeyey waxaan filayaa inuu hadda joogo Jidda, Sucuudiga. Waddooyinkii iyo bannaanadii xaafadaha ayaa noqday qubuur. Maahayn ujeeddada dadkii dagaalka isku hayey inay qiime tiraan dadka oo nolol iyo geeriba ku dhibaan oo xitaa ay aas sharaf leh u diidaan. Laakiin dagaalladu wixii loola jeeday oo keliya ma keenaan. Kuwa dagaallamayaa waxay guushooda ku qiyaasayeen, oo keliya, inta qof ee ay dilaan iyo masaafada dhulka ay ku durkaan.
Bililiqada baahday waxaa ugu darnaa dadkii ajnebiga ahaa oo guryahoodii loo dhacay. Waxaan xasuustaa annagoo subax fadhina meel ku taal Dugisga Farsamada (KM4) ayaa waxaa noo yimi dhawr wiil oo wata alaab ay noogu sheegeen inay ka soo qaateen guryo gaalo. Waxaa ku jirey gasacado ay kalluun iyo maraq noogu sheegeen oo ay qaar ka soo cuneen. Markaan u sheegnay in waxa ay cunayaan uu yahay doofaar oo ay ku qoran tahay (pork, pork liver) oo qudaar lagu googooyey, waxaa midkii ugu weynaa noo sheegay inuu yaqaan Ingiriiska oo doofaarka aan pork la dhihin ee la yiraahdo pig. Iyagoo waxoodii wata ayey naga tageen. Waxaan kaloo xasuustaa nin maalmahaas dagaalku socdey guursaday oo gabar u nikaaxsanayd ay reerkoodii yiraahdeen waa qaxaynaa ee naga reebo gabadha. Waan ogeyn inuu ahaa wiil dhallinyaro ah oo aan shaqayn laakiin guri buuxa ayuu dhigtay. Markaan weydiinnay meeshuu waxaan ka keenay wuxuu noo sheegay inuu ka iibsaday niman u sheegay inay ‘gaalo’ ka soo qaadeen.
Waxaa caadi noqotay geeridii. Hooyo ooyaysa dhib looma arkeyn oo meel walba ayaa hooyo ka ooyeysey. Ayeeyo dhabarka ku sidata alaab culus oo qorraxda ku lugaynysa waxay ahayd caadi oo waa la iska dhaafayey iyadoon gacan loo fidin. Hadda sidaas ma aadan yeesheen laakiin xaaladda colaaddu miyirka ayey kaa qaadaysaa. Xaaladdaas waxaa ku kobca dadka jecel inay damacooda si buuxda u dherjiyaan. Dadka jecel inay wixii sharcigu ka celin jirey bannaystaan. Inay hanti dhacaan. Inay gabar yar oo mustaqbal tiigsanaysey ay sharfteeda dhaafiyaan. Inay dhiig daadiyaan.
Dawladuhu colaadaha waa ku faqiiraan. Waxaa kaga baaba’a ciidankoodii. Waxaa isbeddel ku dhacaa dareen-nafeedkii bulshadooda oo waxay u baahdaan inay dib ugu caqli celiyaan ciidankooda oo in badan ka saaraan ciidanka qaar kalena u furaan tababarro loogu miyir celinayo. Waxaa dib loo beddelaa manhajka waxbarashda si aan dagaal u dhicin ama loo yareeyo miraha ka dhalan kara colaadaha. Taas macnaheedu maaha inaan ciidanka loo diyaarin difaac laakiin waa ciidan yaqaan waxa ay ciidan u yihiin iyo sida ay u dhaqmaan hadday dagaal galaan.
Waxaa laga yaabaa in dadka colaadda isku hayaa aanay gaarin ujeeddooyinkii ay u galeen dagaalka. Laakiin waxaa hubaal ah in dad badan oo aan shaqo ku lahayn u dhimanayaan una dhibtoonayaan wax aanay aqoon sababtuu ku bilawday iyo meeshuu u socdo. Jiilasha colaadda ka dambeeya ayaa ku kora xaalad laga dhaxlay colaaddaas oo iyaga caadi ula muuqata. Haddaad dhibsanayso sheekooyinka noocan ah, aniguba ma jecli. Laakiin dhibka iyo ceebaha mujtamaca iyo natiijada go'aamada siyaasadeed ka iman karta haddii lala aamuso, waxaa laga yaabaa in jiilasha dambe isla meeshii beladii hore ka soo bilaabatay ka soo bilaabaan oo burburkii dhacay dib ugu noqdaan.
W/Q: @ Cabduqadir Diiriye
S/Q: Jean claude coutausse
Comments
Post a Comment