Muzamil iyo halgankiisii aduunyo.

 Dunida maalinba waa ceyn.


Bilowgii 2014 Wax gurigeyga meel udhaw una jirta boqol talaabo ku noolaa qoysas barakacayaal ah, oo markoodii hore kaso baracay deegaano kala duwan.
Barakacayaashaas waxa ku jiri Nin la oran jiray Muzamil oo aad u xooganaa, Sidoo kale wuxu ahaa nin Illaahey u dhaliyay joog oo Labo lafood taagan ahaa, wax goobo ah anan laheyn wuxuu lahaa timo aad udag, Oo marka anan baryo la shaleyn aad moodo dhul haabaas ah, Muzamil wuxuu ku xamaalan jiray Gaari gacan si uu quutul yowmkooda ugu so dhiciyo 5 caruur ah oo uu Aabo u yahay iyo xaaskiisa Iisha.
Muzamil marka uu kaso rubaaxaya shaqadiisa uuna soo helo quutul yomkiisa, wuxu horey uguso adeegi jiray guriga, sidoo kale kama marneen in uu horey uso qaato Rubuciisa qaadka ah iyo baakadkisiii sigaarka ahaa, oo uu welwelka, Daalkii shaqadda iyo rafaadkii iskaga moogeysiin jiray asagoo ku dabaalanaya Dunida Mirqaanka.
Dunida hadba waa ceynoo, Maalini waa farxad, maalina waa Murugo oo Illahey ugu gol leeyahay toosinta adoonkiisa aanan beryahan usujuudin, ama Shukrigiisa wax ka dhimayihiin.
Illahey Qur'aankiisu wuxuu ku yiri يايهاالدين ءامنو استعينو بالصبروالصلاة "و "Adoomadeydii i rumeeyeyow kaalmeysta Sabarka iyo Salaadda Markii aad dhibaato la kulantaan"
Maalin maalmaha kamid Muzamil asagoo alaab usida mid kamid ah macamiishiisii, u geyay gurigiisa.
Macmiilkii ayaa aad uga helay dabeecadda iyo qadarinta muzamil ayadoo inta ay usii dheereyd xooga uu Illahey ugu deeqay ayaa ka codsaday in uu meel kore kaga so dejiyo bir weyn.
Daqiiqad gudaheed ayaa meshii waxay isku badashay Aadaar, Ooyin , iyo Dhawaaq aad moodo Aar taahaya oo qudaxi ku taagantahay iyo dhiig fara badan, Waa Muzamil oo kurisigii ku taagnaa la jabay kedib si haleel ah uguso dhacday birtii weyneed, Birtii ayaa Muzamil ka haleeshay lugta midig waa inta udhaxeysaa laf dheerta ilaa faraha.
Oo waxad moodaa in lafi jabantahay aadaar ka baxayo awgeed.
Macmiilkii ayaa Muzamil ula cararay midkamid goobihii caafimaad ee udhawaa.
Dhayitaan, Ku dhafashadda cirbad xanuun baabi'iye iyo toliin kedib Macmiilkii ayaa xogaha lacag oo uu isugu jirta midii uushaqeystay iyo mid macamillki kaga garaabayo dhibka gaaray soo siiyay.
Muzamil oo hitinaya, una eheyn maalintaa maalin wacan ayaa xaafadda imaaday waqti anan looga baran, wuxuna meel ku tiiriyay gaari gacankii asagoo shalayto ku jira, oo niyadda ka habaar tamaya, maxaa birtaas ku geeyay is oranaya.
Iisho oo ah xaaska u dhaxda muzamil ayaa dhaayaha la raaceysay xalada uu maanta Xaajigeedu ku suganyahay, ayaa ku tiri maxaaa kugu dhacay Muzamilow maanta?
Lasoco Qeybt 2aad.

Comments

Post a Comment