Waxay eheyd cawa oo kale markii ugu horeysay aan kulanay, oo waxaa da'ayay roob goos goos ah, dhaxan darina wey jirtay aad baana u qar qarayay.
Waxaan xagaa iyo galbeed kaso baadigoobay hasheydii Maandeeq oo cawa saddex cisho ugu noqoneyso inta ay baadida iga tahay.
Waxan kaso kicitamay baadiyaha Degmadda Afbarwaaqo. Rag socota ahi ayaa isheegay in hal sumadeydii leh ay uga jeedeen Dabarow una sii socotay halkaa iyo budbud.
Dhowr cisho baan wadada kuso jiray oo roob mahiigaan ahi dhexda igu qabsaday lkn cawa wey ka gedisantahay habeenadaas aan gudcurka soo jibaaxayay, roobkana dusheda ku da'aayay.
Waxan socoto dheer soo galaba, waxan kaso dul dhacay reer uso naq raacay xaggeena kana soo hayaamay Budbud, Budbud wali waa abaar, jiilaalkii baa ku dambeeyo, roobkii Guga ahaana wali kama curan.
Markan reerkii uso dhawaaday, baa waxa salaan haleelka ka maqlay dhinaceygii midig, markan jaleecay midigtedii waxan arkay Hooyo, Magaceyduna iigu sheegtay Dheeho.
Bariidan kedib, waanu is garanay hooyo Dheeho. waxayna igu tiri "maandhow dhaxantani saa'idka ahi halkaan kaga hooyo caawa".
Hooyo dheeho waanka aqbalay codsigeedii. kedib waxay igu tiri" Caliyow xaabadaa halkaa kaso bixi ee dab inoo shid aan ku yara huursanee, qabow darani baa jiree".
Waxan arki wayay xaabadii ay Hooyo Dheeho iisheegayday. waxaana iri "Hooyo Xaabada aad ii tilmaameydo ma arko".
Isla markiiba hooyo Dheeho waxay tiri "Dhudiyeey, wiilkaa xaabadda tus".
Waxay indhaheegu qabteen gabar aanan waligeey indhaheyga saarin, wax lagu miisaala aan dunida lagu arag. Waxanba is iri abshir bay kuu eheyd inaadan xaabada arkin.
Waxanba garan wayay xiligii aan dabka shiday si aan hal mar indhaheygu araga usaaraan Dhudi, oo aan horey ayadoo gudcur tahay ula dhacay jaaheedii iyo jirka siman ay laheed.
Habeenkaas indhaha waanka qaadi wayay dhudi, oo aad baan ula ashqaaraaray quruxdeydii, indheeda waa weynaa, bishimaheeda dhuxusha ah, dhexdeeda yareed iyo horaadyadeed oo aad moodo kuwii hasheydii maandeeq oo kale.
Anigoo ku maqan Dhudi, waa kan Alle keynkii Roobka ahaa dabkii yaraa aan darimaadka ka raadineynay naga damiyay. Dhudi iyo Hooyo Dheeho aqalka bay u carareen, halka aniga aan aaday aqal kale oo ku dhagan, oo hooyo Dheeho walalkeed Cilmi seexan jiray.
Dhudi qofka ka qiimo badan, ka dabeecad mcn, ka caqli badan, ka karti badan waligey manan arag, intaa waxan ku ogaaday intii yareyd ee aan habeenkaa sheekeysanay Habeenkii oo idil waxan ka seexan waayay, jaahii iyo quruxdii dhudi, indho ismaanan saarin.
Waagii markii uu dilaacay, waxan sahay kasii qaatay Hooyo dheeho, oo halkaas baan isku macasalameynay ayadda iyo Dhudi, waxan usii jirmaaday halkii leygu tilmaamay hasheedii maandeeq. Niyadeyda marna kama go'in in markan hasheydii baadida eheyd soo helo aan si haleel ah usoo mari doono aqalka Hooyo Dheeho, si aan Dhudi u arko.
Mudo 5 cisho ah kedib, ayadoo saacadu tahay casar liiqii ayan imi aqalkii hooyo Dheeho. Kor ayan waxan kaga jeeday, in aqalka hortii ay dhoobanyihiin dad badan, Waan yaabay oo maxaa maanta reerkii ka dhacay baan is iri.
Wiil yar oo ordaya baan weydiiyay, waxa galabta ka jira guriga Hooyo Dheeho. wiilkii wuxuu igu yiri "Aroos baa ka jiro adeer".
Markaasaan wiilkii waxan ku iri "Adeer yaa aroosaayo" Wuxuu iigu jawaabay "Dhudi baa la aroosayaa".
Wan wareeray oo meeshaan joogo meel kale baan kala garan wayay, Wadnaheygii aad buu u garaacmayaa, socodkii baan gabay.
War Caliyow, Hashii miyaad soo heshay baan gadaashey ka maqlay. markaan gadaal u jeestayba waa Cabdi oo aan ilmo adeero nahay.
Haa' Cabdiyow baan ku iri. ee maxaad halkaan kaso doontay ayaan iri?
Wuxuu igu yiri " Geedi baa wuxuuu la aqal galayaa gabar Dhudi la yiraahdo oo ay cideedu halkaa uso naq raacay".
Geediguse ogow waa Cabdi walaalkii ka weyn, asaguna ilma adeero baan nahay. Alla ku ciil weynaa maanta ma ina adeerkey baa inantii aan ku taamayay iga guursanaya, tol la'ayeey.
Fiidkii baan imid gurigeygii, anigoo la liicaya hasheedii maandeeq, Qalbigeyga dhaawacanyahay.
Dhudi waxay hadda u dhaxdaa ina adeerkey Geedi.
aniguna waxan dhawaan guursaday Axado, oo ah inan aan qaraabo dhaw nahay, oo calafkeygiina uu noqday.
waana ku faraxsanahay.
Comments
Post a Comment