Taariikh nololeedkii General Maxamed Faarax Caydiid (Aun)

Taariikh nololeedkii General Maxamed Faarax Caydiid (Aun) 


General Maxamed Faarax Caydiid waxa uu ku dhashay degmada Beled-Weyn ee Xarunta gobolka Hiiraan, Soomaaliya, 1934-kii. Gobolada Dhexe ee Soomaaliya,

Muqdisho ilaa iyo Koofurta dalkana waxa uu kusoo qaatay qeybaha noloshiisa oo dhan.
1946-1949 ayuu Dugisigiisii Hoose/Dhexe ku qaatay Muqdisho, Soomaaliya. 1952-1953-kiina waxa uu Tababar Ciidan ku qaatay Dugsiga Tababarka Dhanaane. 1953-1954, ayuu Dugsiga Xamar Jajab wax ku bartay, halka 1956-1956-kiina uu qaatay Tababar Militari. 1956-1960, waxa uu Caydiid Diploma Militari ka qaatay Cesano Academy, oo Roma, Itaaliya ku taala. Caydiid waxa uu 1963-1966-kii Diploma Ciidan ka qaatay Frunze Academy oo Ruushka ah.
1957-1958 Waxa uu Caydiid noqday Taliyaha Saldhiga Police-ka degmada Xudur ee Bakool, Soomaaliya. 1958-1959-kiina waxa uu ahaa Taliyaha Qeybta Ciidanka ee gobolka Banaadir, Soomaaliya. 1959-1960, Caydiid waxa uu ahaa Taliyaha Qeybta Ciidanka gobolka Jubbada Hoose, Soomaaliya, halka 1960-1962-kiina uu ahaa Taliyaha Tababarka Dhexe ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya (Forte Bottego/Xalane)
Sanadihii 1962-1963-kii, General Caydiid waxa uu ahaa Taliyaha Hawlgelinta, Tababarada & Sahanka Ciidamada Xoogga Soomaaliya, halka uu 1963-1966-kiina ahaa Wakiilka Ciidamada Soomaaliya u Jooga dalka Ruushka. 1966-1968-kii waxa uu ahaa Taliyaha Hogaanka Abaabulka & Hawlgelinta. 1968-1969-kii waxa uu ahaa Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Qeybta Waqooyi, iyada oo uu 1969-1975-kii ahaa Maxbuus Ku Xirnaa Xabsiga Mandheera, Soomaaliya.
1975-1977-kii, Caydiid waxa uu ahaa Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Aspiima, halka uu 1977-1978-kii uu ahaa Taliyaha Tababarada Militariga ee Xarunta Hiilweyne ee gobolka Shabeelada Dhexe, Soomaaliya. 1978-1978-kii waxa uu noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya ee Gobolada Waqooyiga Soomaaliya, iyada oo uu 1978-1982 ahaa La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidamada & Amaanka, waxaana uu General Caydiid 1982-1984-kii ahaa Taliyaha Guud ee Hawlgelinta Ciidamada Gobolada Waqooyi & Gobolada Dhexe. 1984-1989 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Hindiya, oo uu ka hor 1990-kii iska casilay.
General Maxamed Faarax Caydiid waxa uu 1990-1991-kii ka kid ahaa Aasaasayaashii Jabhaddii Midowgii Isutaga Soomaaliyeed ee United Somali Congress (USC), iyada oo uu1992-1993-kii haddana markale ka mid noqdya Aasaasayaasha Jabhaddii SLM, oo ay ku Midoobeen Jabhadaha USC, SPM, SDM, SSNM, SAMO & SNU.
1992-1994-kii Waxa uu Caydiid ahaa Hogaamiye Kasoo Horjeeday, Lana Dagaalamay Isbahaysigii UNISOM & UNITAF, ee ay Qaramada Midoobay sheegtay in lagu badbaadinayo Soomaaliya, halka 1994-1996-kiina uu Caydiid Madaxweyne ka ahaa Maamul Loogu Magacdaray Sal-Balaar.
General Maxamed Faarax Caydiid waxa uu qoray Buugaag fara badan, waxaana ka mid ahaa mid uu qoray1983-kii oo uu magaciisu ahaa The Harbinger Of Hope In Somalia (A Brief Profile) iyo mid kale oo uu1988-kii qoray oo la yiraahdo The Manifesto New United Somali Democratic Organization (NUSDO).
1988-kii ayuu sidoo kale qoray buug lagu magacaabo The Preferred Future For Somalia , iyada oo uu1988-kiina qoray buug kale oo la yiraa The Revival Somali History, Culture and Civilization, waxaana uu Jenanku buug kale oo la yiraa Democracy in Somalia: Its Roots and Future uu qoray1989.
Buugaagta kale ee uu qoray waxaa ku jira mid lagu magacaabo Recent Up Rising Of Somali People, oo uu soosaaray 1989 iyo mid uu qoray isla1989 oo uu isna magic uga dhigay The Latest Deceitful Move By The Dictator Siad Barre (Pamphlet). 1989 waxa uu Caydiid qoray Buugga la yiraa Somalia and Ethiopia and War Plan Manual.
Waxbarashada
1946-1949 Dugis Hoose/Dhexe, Muqdisho, Soomaaliya
1952-1953 Dugsiga Tababarka Dhanaane
1953-1954 Dugsiga Xamar Jajab
1956-1956 Tababar Militari
1956-1960 Diploma Militari, Cesano Academy, Roma, Itaaliya
1963-1966 Diploma Ciidan, Frunze Academy, Ruushka [1]
Waaya-aragnimada iyo Shaqada
1957-1958 Taliyaha Saldhiga Police-ka Xudur, Bakool, Soomaaliya
1958-1959 Taliyaha Qeybta Ciidanka ee Banaadir, Soomaaliya
1959-1960 Taliyaha Qeybta Ciidanka Jubbada Hoose, Soomaaliya
1960-1962 Taliyaha Tababarka Dhexe ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya (Forte Bottego/Xalane)
1962-1963 Taliyaha Hawlgelinta, Tababarada & Sahanka Ciidamada Xoogga Soomaaliya
1963-1966 Wakiilka Ciidamada Soomaaliya u Jooga Ruushka
1966-1968 Taliyaha Hogaanka Abaabulka & Hawlgelinta
1968-1969 Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Qeybta Waqooyi
1969-1975 Maxbuus Ku Xirnaa Xabsiga Mandheera, Soomaaliya
1975-1977 Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Aspiima
1977-1978 Taliyaha Tababarada Militariga ee Xarunta Hiilweyne, Shabeelada Dhexe, Soomaaliya
1978-1978 Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya ee Gobolada Waqooyiga Soomaaliya
1978-1982 La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidamada & Amaanka
1982-1984 Taliyaha Guud ee Hawlgelinta Ciidamada Gobolada Waqooyi & Gobolada Dhexe
1984-1989 Safiirka Soomaaliya ee Hindiya
1990-1991 Aasaase Jabhaddii Midowgii Isutaga Soomaaliyeed ee United Somali Congress (USC)
1992-1993 Aasaase Jabhaddii SLM, kuna Midoobeen Jabhadaha USC, SPM, SDM, SSNM, SAMO & SNU
1992-1994 Hogaamiye Kasoo Horjeeday, Lana Dagaalamay UNISOM & UNITAF
1994-1996 Madaxweynaha Maamul Loogu Magacdaray Sal-Balaar [2]
Buugaagta uu Qoray General Caydiid
1983 The Harbinger Of Hope In Somalia (A Brief Profile)
1988 The Manifesto New United Somali Democratic Organization (NUSDO)
1988 The Preferred Future For Somalia
1988 The Revival Somali History, Culture and Civilization
1989 Democracy in Somalia: Its Roots and Future
1989 Recent Up Rising Of Somali People
1989 The Latest Deceitful Move By The Dictator Siad Barre (Pamphlet)
1989 Somalia and Ethiopia and War Plan Manual [3]
General Mohamed Faarax Caydiid waxaa lagu xasuusta dagaalkii 1977 inuu gacanta kusoo dhigay Ciidamo u dhashay dalka Kuuba
Waxaa kaloo lagu xasuusan doona dagaalkii 1993 oo la galay Mareekanka ugu dambeena uga adkaaday xulufadii mareekanka
Dhimashadii Maxamed Faarax Caydiid
General Maxamed Faarax Caydiid waxa uu ku geeriyooday Muqdisho, Soomaaliya, 2-dii Augost, 1996-kii. General Caydiid waxa uu u dhintay Rasaas uu la dhacay mid ka mid ahaa ciidankiisa, xili uu ku jiray dagaal siyaasadeed oo aad adkaa waqtigaas. Allaha u naxariistee, Muqdisho ayaa lagu aasay Marxuumka.
Aan u duceyno Marxuumka inuu Alle kitaabkiisa gacanta midig ka siiyo

iyo

Comments