Armacii Afrika!
Partice Emery Lumumba waxa uu dhashay 02 July, 1925. Cid kasta oo ay dhibic dhiig ah ay ku sii dambayso, marnaba, ma illaawi karayso mayal-adayggiisii madaxbannaanida ku dhisnaa. Sida uu shisheeyaha isaga caabbiyay ee uu Afrikaannimada u sarraysiiyay ayaanu ruuxna dafiri karayn. Carcartiisii hoggaamiyannimo ayaa caadyaal ah.
Isaga oo da'aadda soddonaad (35) ah buu noqday ra'iisalwasaarihii ugu horeeyay ee si sharci ah loogu doortay, gudaha, dalka Koongo. Waxa uu foolaad u ahaa da'yar u kacay in ay heeryada gumaysi, ee Biljamka, iska feydaan, kana dhiidhiyaan (1960). Waxa uu ka mid ahaa da'yar kooban oo gumaystihii ka dib, dalalka Afrikaanka, majaraha u qabtay. Waxa uu ahaa da'yar, ra'iisalwasaare ah, isaga oo toddobo bilood uun jooga inta la xiray birta laga aslay.
Waa isaga ninka inta la qamxiyay iska diiday gunnimo kasta oo uu nacabkiisu maagganaa. Nuqul ka mid ah waraaqihii khudbaddiisa ayaa lagu qasbay in uu liqo, se waa uu ka biyadiiday! Isaga oo gacanta cadaawadaha ku jira ayaa uu quusgooyay han walba oo lagu sharaf dili lahaa.
January 17, 1961 ayaa si aan loo dubnixin loogu melgay gudaha dalkiisa. Nacab kalkaal iyo, sida la aaminsan yahay, Biljam iyo Maraykan ayaa iska kaashaday dilkiisa. Waxa ay u arkayeen dayax shan iyo tobnaad ah, iyo dogob qiiqaabaya, markaas bay aashito ku mileen oo darka aakhiro ku dareen.
Ha la dilee, Afrikada guud ahaanteed baa u baroortay, u hogbatay oo u halaanhashay. Gees-ka-gees, carra-edeg, ruux walba oo damiir leh baa u damqaday. Soomaalida ayaa ka mid ahayd dadyowga sida u weyn u xusay. Sooyaal kale oo aan maragfur ka dhigan karo meel ku ma ogiye aan ku soo hor dhigo suugaan ay dhacdadaas, Soomaalidu, ku weynaysay:
1. "Lamumbe ma noola mana dhiman
Labada midna haw malaynina
Muuqiisaa la waayay mooyaane
In uu maqan yahay ha moodinayeey!"—Cabdillaahi-Qarshe Maxamed Maxamuud.
2. "Geesiga madow u ma oggola guusha reer Yurube
Geerida Lamumbaa wadnuhu noo 'gig' leeyahay!"—Cabdillaahi-Timacadde Suldaan Maxamed.
3. "Dowladuhu waa boqol jaad:
Bortaqiis iyo Koongiyo
Tii Lamumbe biraysay
Iyo boqor Xalayle Salaase
Taayada baandadu haysiyo
Biljan baa u wanaagsan."*—Cabdillaahi-Shube Cabdi Ismaaciil, 1970s.
Comments
Post a Comment